Boliiska Oo war Ka Soo Saaray wadooyinka Muqdisho oo xiran

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa War kasoo saaray xirnaasha Wadooyinka Magaalada Muqdisho inta uu socdo Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo Maanta furmaya.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa Shacabka  kunoo Gobolka Banaadir ka Codsatay inay dulqaatan inta uu socdo Shirka iskaashiga Soomaaliya oo loo diray isku socodka gaadiida isticmaalla Waddooyinka qaar ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo barteeda Facebook ay kusoo qortay Zakiya Xuseen ayaa waxaa ay ku sheegtay in shacabka loo diraariyay gaadiidka gurmadka Deg deg ah ee Ambulance oo shacabka loogu adeegi doono hadii ay imaado baahi deg deg ah.

“Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad dag dag”ayay tiri Zakiya.

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka furmaya Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya,kaasi horey loogu qaban jiray dalalka Yurub,waxaana la xiray inta badan Wadddooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho.