Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen haweeney ku eedeysan dilka wiil yar uu dhalay Ninkeeda.

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen haweeney ku eedeysan dil ay u geysatay Wiil yar oo ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay si xun u garaacday wiilka yar ayna jirkiisa ka muuqdeen garaacis xoogan oo sababtay inuu u geeriyoodo.

“13/5/2023 Abaara 8:00 fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhiga Dharkeynley,   ayaa gacanta ku doo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boliisku ka badbaadiyay gabadhana ay dhaawacyo badan ku yalaan waxayna u aheyd eedo aabo qabo. Eedeysanaha ayaa Boliisku gacanta ku hayaa waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Awooda u leh si cadaalada loo mariyo”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska guud ee qeybta Boliiska gobolka Banaadir.

Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay iney wadaan baaritaano la xariira dilka haweeneyda, islamarkaana cadaalada la horgeyn doono haweeneyda dishay wiilkii ay eedada u aheyd.