Booliiska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay eedeysane dil horey ugeystay oo ay ku raad joigeen.

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Deyniile ee G/Banaadir ayaa gacanta ku dhigay eedeysane loo haysto inuu dil u geestay Muwaadin lagu magacqabi jiray Maxamed Axmed Cabdulle 15/11/2022, kuna dilay Degmada Dharkenley ee Muqdisho ka dibne iskaga baxday Goobta

Ciidanka Booliska Qeybta Guud oo ku raad joogay eedeysanahaan ayaa maanta gacanta ku dhigay xilli uu ku sugnaa Degmada Dayniile, talisku waxaa uu sheegay in ay maxkamadda la horgeynayo ninkaan si cadaalada loi waafajiyo.

Laamaha Amniga Caasimada Muqdisho oo ku jira feejignaantii ugu sareysay ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay ay gacanta ku soo dhigayeen eedeysanayaal la diondoonayey kuwaasi oo iskugu jira Dhalinyarada Burcad ah iyo kuwa ku lug lahaa Falal amni dara ah.

Howlgaladaan ayaa kusoo aadaya xil kooxda Alshabaab ay kasoo firxanayaan Gobolada Dalka gaar ahaan Bartamaha Soomaaliya halkaasi Ciidamada Dowlada iyo ku Deegaanka ay kooxda kala wareegeen deegaano iyo Degmooyin ay muddo ka talinayeen, laamaha Amniga Muqdisho ayaa waxa ay ku raad joogaan Dhalinyaradaasi kooxada ka tirsanaay ay si dhuumaaleysi ay kusoo galayaan Caasimada ka dib ay dhibaato ka geystaan.