Booliiska Muqdisho oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay, Eedeysane dhac ka geystay Goob gacansi oo ku taal D/Hodon.

Ciidamada Boliiska Degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay nin dhalinyaro ah oo eedeysan inuu dhac ka geystay goob ganacsi oo ku taala degmadaas.

Eedeysanahaan  ayaa loo haystaa inuu goobta ganacsi ka qaatay teleefoono gaaraya ilaa 3 mobail ah kuwaas oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33, soo qabashada ninkaan ayaa sahashay kadib markii muuqaalo asga oo dhaca geysanaya ay ku baaheen baraha Bullshada oo ay duubtay Camira CC.

Taliska guud ee Boliiska G/Banaadir ayaa war uu soo saaray ku yiri” Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo”.