Booliiska Caasimadda Garoowe ayaa xabsiga dhigay nin toorreey ku weeraray dad shacab ah.
Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawacyo culus gaarsiiyay ninkaas oo aan weli magaciisa la shaacin.
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa xaqiijiyay in baaritaan lagu hayo shakhsiga loo qabtay dhacdadaas.
Booliska waxay sheegeen in ninkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono