Booliiska Soomaaliya ayaa soosaaray amar ku socda Dadka wata ama leh Gaadiidka aanay ku xirnayn Sumadda loo garan ogyahay Taarikada, waxa uu ku goodiyay Dadka kaxeeya ama milkiileyaasha ah eel eh Gawaaridaas.
Qoraalka Booliiska ayaa lagu wargeliyay Darawalada kaxeeya Gaadiidka aan lahayn aqoonsiga in ay ku xiraan ama ku dhajiyaan Taarikada lagu soosaaray isla markaana u dhammeystiran yahay waxyaabaha looga baahan yahay sida Canshuurta Wasaaradda Gaadiidka.
Dhowr jeer ayuu Taliska Booliiska Soomaaliya soosaaray digniin la xiriirta in aanay Caasimadda lagu dhex kaxayn Karin Gaadiidka aanay Sumadda ama taarikada Dowladda ay ku bixiso ku xirneen balse ma dhaqangelin.
Waddooyinka Qaar ee Magaalada Muqdisho marka aad maraysid waxa ay indhahaagu qabanayaan Gaadiid u badan kuwa nooca raaxada ah oo aan ku xirnayn Taariko, qaarkood waxaa saaran Rag hubeysan oo ku labisan dharka Ciidanka.