Booliska Canada oo bilaabay Baarista dilkii loo geystay Cigaal Daa’uud

Ciidamada dalka Canada ayaa waxa ay bilaabeen Baaritaano ku aadan  wiil Soomaaliyeed oo Axadii lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada.

Booliska waxa ay sheegeen in ay waddaan Baaritaano cidda ka dambeysay dilka Cigaal Daauud oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaaliyeed ee kunoolaa dalkaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in Cigaal oo 30 Sano jir ah Meydkiisa laga dhex helay Gaari nuuca Raaxadda ah.

Waxaa uu sidoo kale xusay in jirkiisa ay ka muuqdeen xabado ama rasaas lagu dhuftay.

Boolisku waxaa ay sheegeen in Meydka wiilka oo inka badan 24 saac dhex yaallay Gaariga Parkinka ku jiray ee lagu dhexdilay iyada oo aan ilaa hadda la ogeyn cidda dishay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Canada Sanadyadii lasoo dhaafay, waxaana ciidamada Booliska ay horay u sheegeen in dhalinyaradda Soomaaliyeed dhexdooda ay is dilaan.