Booliska Dalka Kenya oo soo qabtay Tahriibayaal Soomaali ah

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay badbaadiyeen tahriibayaal doonayey in ay dalkaasi kaga sii gudbaan dalka Uganda deetana ay sii maraan dalka Sudan halkaasi oo ay kaga sii gudbi rabeyn dalka Libya.

Saraakiil u hadlay booliska dalkaasi gaar ahaan waaxda dembi baarista ee markii magacooda lasoo gaabiyo loo garan ogyahay DCI ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 169 ruux oo Soomaali u badan oo u hanqaltaagayay in naftooda ay ku biimeeyaan halista tahriibta iyo safarka dheer ee halista ah ee Saxaro iyo Badba leh.

Waxa ay eedeyn kala dul dhaceyn Muqalisiin sida ay sheegeen Soomaali ah oo u sahla tahriibayaasha Soomaalida ah habka ay u safri lahaayeen, balse Boolisku uu ku raad joogo dadkaasi saacida tahriibayaasha.

“Magaalada Nairobi ayaa inta ugu badan ee tahriibayaasha aynu soo badbaadinay kasoo qabanay balse way jiraan magaalooyin kale oo iyana aynu kasoo qabanay Tahriibayaasha waana bogaadineynaa howsha Booliska Kenya” ayuu sheegay sarkaal u hadlay Booliska dalkaasi.

Warbixinta tahriibayaasha ay booliska dalklaasi qabteyn ayaa kusoo aadayso xili isla todobaadkaani Booliska Kenya lagu soo oogay oo lagu eedeeyay in ay argagaxisada laaluush ka qaataan, waxayse markaan u muuqdaan in ay iska meerayaan ceybtii soo gaartay.