Booliska degmooyinka Cadaado iyo Godinlabe Oo kala dhex galay maleeshiyaad maanta ku dagalamay Degaan hoostaga Gadoon

ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan Maleeshiyaad maanta kuĀ  dagaalamay deegaanka Shuuriye-Jugle oo u dhaxeeya Dhagax dheer iyo Gadoon ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa imaaday ka dib markii la isku qabsaday dhul daaqsimeed degaanka kaas oo horey muran xoogan uga taagnaa

Waxayna maleeshiyaadka dagaalamayay ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsimeed

Gobolka galgaduud ayaa inta badan waxaa kusoo laalaabta dagaal beeleedyada, waxaana tiro dhowr jeer ah lagu guulaystay in la joojiyo dagaallo ka qarxay qaybo ka mid ah Gobolka