Booliska G/mudug Oo kacanta kudhigay Maandooriye yaal iyo ragii weday

Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay 2-ruux oo  qeyb ka ah shabakad  ka shaqeysa sameynta iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka in isticmaalka maandooriyeyaashu ay sabab u noqdaan falalka amaan darida mararka qaar ka dhaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliiska gobolka Mudug G/dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay iney qeyb weyn ka ahaayeen falalka amni dari ee magaalada, maadaama ay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Waxaa uu sheegay in ciidamada Booliska Galmudug ay laba jibaareen howlgallada ay ka waddaan degaanada Galmudug gaar ahaan gobolka Mudug.