Taliska Qeybta Guud ee Ciidanka Booliska Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo eedeysane oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen fal dambiyeed naxdin leh oo lagu dilay hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay, dhacdadaas oo ka dhacday 09 October 2025, meel u dhexeysa deegaanada Qayib iyo Xiindheere.
Ciidamada booliska ayaa muddo ku hawlanaa baaritaanka iyo raadinta cidii ka dambeysay falkaas foosha xun ee lagu laayay dad aan waxba galabsan. Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in wali lagu daba jiro shakhsiyaad kale oo looga shakisan yahay inay qeyb ka yihiin falkaasi.
Eedeysanayaasha la qabtay waxaa la horgeyn doonaa cadaaladda si loo marsiiyo sharciga, iyadoo la filayo in maxkamadaha awoodda u leh ay qaadaan dacwadooda.
Taliska Qeybta Guud ee Booliska Galmudug wuxuu ugu baaqayaa shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, islamarkaana ay si degdeg ah u soo sheegaan cid kasta oo looga shakiyo falal amni darro, si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Galmudug.