Booliska Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedeysane Lagu Eedeeyay Aflagaado iyo Kicin Bulsho.

Taliska Qaybta Guud ee Booliska Galmudug, gaar ahaan Saldhigga Booliska Caasimadda Dhuusamareeb, ayaa ku guuleystay in gacanta kusoo dhigo eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxiim Macallin Aadan, kaasi oo lagu eedeeyay fal dambiyeed ku saabsan aflagaado iyo kicin dadweyne.

War Qoraal ah oo ka soo baxay taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in eedeysanaha lagu qabtay kadib markii uu baraha bulshada ku faafiyay muuqaallo iyo hadallo dhalin kara kicin iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda, taas oo sababtay in tallaabo sharci ah si degdeg ah looga qaado.

Booliska ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh si loo maro habraaca sharciga.

Taliska Booliska Caasimadda Galmudug ayaa shacabka ku booriyay in ay ka fogaadaan falalka ka dhan ah amniga iyo kala dambeynta, isla markaana looga baahan yahay in bulshada iyo ciidamada amniga ay si dhow u wada shaqeeyaan si loo sugo xasilloonida guud ayaa lagu yiri warkan Ka Soo baxaya Taliska Booliska Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Booliska ayaa u mahadceliyay shacabka Dhuusamareeb, gaar ahaan ehelada eedeysanaha, oo gacan ka geystay qabashadiisa, taas oo lagu tilmaamay mid muujineysa iskaashi ballaaran oo Bulshada iyo hay’adaha Amniga ka dhexeeya.