Booliska oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyada & weeeraradii xalay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo xalay laga maqlay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir iyo duleedkeeda, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa  sheegay in Al-Shabaab oo ka xun horumarka iyo dhismooyinka ka socda  degmada Kaxda ay weeraro qaraxyo ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Kaxda iyo fariisin Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Xaafada Daarusalaam ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

 

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in raggii weerarka kusoo qaaday Saldhiga degmada Kaxda ay u baxsadeen dhinaca Gobolka Shabeellaha Hoose, ayna ku raad joogaan Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Al-Shabaab ay horay u sii qaateen laba Gaari oo yaallay Gudaha Saldhiga.

 

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho wuxuu sidoo kale sheegay in weerar ku billowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ka dhacay Xaafada Daaru-salaam ay ku geeriyoodeen laba qof oo dumar ah, ayna ku dhaawacmeen 16 qof oo Shacab ah iyo Saddex Askari oo katirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn Afhayeenka wuxuu sheegay in weeraradaas lagu diidan yahay dhismooyinka iyo horumarka ka socda Magaalaada muqdisho loogana soo horjeedo Amniga Caasimadda, wuxuuna u balan qaaday Shacabka Muqdisho i ay xaaiijin doonaan Amniga Magaalada Muqdisho.

 

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada iyo weeraradii tooska ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaan ay kusoo aadeeysaa xilli dalka uu kujiro waqti doorasho.