Booliska oo go’aan adag ka soo saaray dadka baraha bulshada ka wada kacdoonka…

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay xarigga iyo tallaabooyin ay ka qaadeen dadkii baraha bulshada ka caayi jiray bulshada, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay maalmihii lasoo dhaafay.

Taliyaha ayaa sheegay in qof dambe aysan ka ogolaa doonin in baraha bulshada uu dadka ka aflagaadeeyo, isagoo cadeeyey in qof kasta hadii uu sheego cadeyntiisa la weydii doono.

Taliye Firin ayaa sheegay in shaqada booliska ay tahay ilaalinta sharciga iyo sharafka bulshada, isagoo hoosta ka xariiqay in waajibka saaran ay guda doonaan.

Taliyaha oo sii hadlaayey ayaa sheegay inay ka hortegayaa in qofka wax aflagaadeeyey iyo qofka la aflagaadeeyey inta aysan is gaarin ay boolisku ku soo bixi doonaan wixii dhacay, taas oo fududey doonta in qofkii qalad gala sharciga lala tiigsado.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa cabsiga lagu guray dhalinyaro u badan reer Muqdisho, odayaal iyo haween ka soo muuqday baraha bulshada, iyagoo aflagaadeynaya dad kale, qaarkood ayaa lagu heystaa hadalo ka dhan ah dowladda iyo qabiillada qaar.