Booliska oo soo qabtay nin fakad ka ahaa cadaaladda.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin loo haysto kiis dil ah oo baxsad ka ahaa cadaaladda.

Ninkan ayaa waxaa loo haysta dilka Ismaaciil Yuusuf Axmed oo 40 jir ah. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ninkan u geystay, sida uu shaaciyay Booliska Muqdisho.

Waxa kale oo lagu yiri “Taariikhda markay aheyd 09-05-2024 ayuu dhaawac u geystay muwaadin Soomeeliyeed oo lagu magacaabo Marxuum Ismaaciil Yuusuf Axmed Ina Muumino Maxamed Cumar oo 40 jir ah, kaas oo u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.”

Booliska ayaa horey sidan oo kale ugu guuleystay inuu soo qabto saddex nin oo muddo baxsad ka ahaa cadaaladda, oo lagu raad-joogay.

Saddexdan nin oo mid kamid ah uu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa iyagna loo haystay dilka wiil yar oo Ardey ah oo 18 Jir ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Isaaq.