Booliska Puntland oo war kasoo saaray shilalka badan

Shilal ka dhacay Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland 6dii Bil u dambeysay waxaa ku geeriyooday Dad gaaraya 45 qof halka ay ku dhaawacmeen 100 kale sida lagu sheegay Warbixin uu soosaaray Taliska Ciidanka ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka Dowlad-Goboleekaas.

Tirada shilalka ka dhacay deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland waa 800 sida lagu sheegay Warbixinta Taliska Ciidanka Ilaalada Nabadgalyada Waddooyinka, Gaashaanle Cabdifitaax Siciid Suleymaan.

Digniin ayuu u diray Wadayaasha waxaana uu usoo jeediyay in ay sameeyaan Feejignaan ay ku dheehan tahay mas’uuliyadda ka saaran in ay si degen oo mas’uuliyad leh u kaxeeyaan Gaadiidka si ay naftooda iyo tan Dadka kale u badbaadiyaan.

Waxa uu iska fogeeyay in ay qayb ka yihiin shilalkaas dhacaya maadaama lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen mas’uuliyadda ka saaran xakamaynta isu socodka waddooyinka, hirgelinta nalalka samaanfaraha iyo in aanay jirin wacyigelin buuxda.

Shilalka ayaa inta badan loo sababeeyaa tayada Wadayaasha oo hooseysa, Burburka Waddooyinka, Xawaare xad-dhaaf ah oo ay ku kaxeeyaan iyo nalalka kala haga Gaadiidka oo aanay ka jirin waddooyinkaas.