Booliska Somaliland oo raali galin ka bixiyay hadal.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa RAALLI-GELIN ka bixiyay qoraal lagu baahiyay Boggooda Facebook, kaasi oo eedo kala duwan loogu jeediyay Mucaaridka iyo Beesha Caalamka.

Taliska Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in ay ka qoomamoonayaan haddii wax faham-darro ah uu sababay qoraalkaasi, isla markaana aanu qoraalkaasi ahayn mid ka turjumaya aragtida rasmiga ah ee Ciidanka, balse uu qoraalkani uu ahaa Maqaal lagu daabbacay Wargeys maxalli ah.

Waxaa xusid mudan in qoraalkan lagu daabbacay Wargeyska dawladda ee DAWAN qaybtiisa Luuqadda Englishka.

May be an image of text