Booliska Soomaaliya oo Baaraya Dhibaatadii Loo Gaystay Gaari Ay La Socdeen Xidigaha Koofur Galbeed..

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa sheegay Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay baaris ku wadaan weerarkii lagu qaaday baska ay saarnaayeen ciyaartoyda Xulka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Sulub ayaa sheegay in ay gacan-adag ku qabanayaan cid weliba oo ku lug yeelata rabshadahaas oo dhaawac ku ah amniga caasimadda, wixii natiijo kasoo baxa ayuu tilmaamay in Firin in Booliisku uu dib kasoo gudbin doonno.

Dhagax-tuurka ciyaartoyda ayuu sheegay in aanay la garanayn sababta ka dambeysa maadaama ciyaartu soo idlaatay, kiiskaan ayuu shaaciyay in aan laga hari doonnin halka uu fariin u diray taageerayaasha garoonka Cayaaraha Muqdisho tagaya.

Qaar kamid ah Ciyaartoyda Xulka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarkaas waxaana la geeyay mid kamid ah Goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho, waxaa muddo 3 cisho ah dib loo dhigay tartanka socday.