Booliska Soomaaliya Oo Gacanta Ku dhigay Nin Dilay Dad Ehelkiisa Ah.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska oo howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab.

Eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta booliska Soomaaliya ayaa loo haystaa inuu gelinkii ee Axaddii uu degmada Xamarjajab ku gowracay wiilka oo siddeed sano jir ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

Sidoo kale eedeysanaha oo loo soo bandhigay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliya ayaa booliska waxa uu sheegay in haatan ay ku hataan baaritaano dheeraad ah

Ugu dambeyn talisku waxa uu sheegay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamad, si cadaaladda loo horgeeyo, loogana qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Falkan argagaxa leh ayaa xanuun ku reebay ehellada ilmaha yar iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.