Booliska Soomaaliya oo Gacanta kusoo Dhigay Dumar loo haysto…

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay soo qabtay saddex haween ah oo ku sugnaa degmada Waabari, kuwaas oo xadgudub u gaystay wiil dhalinyaro ah, kadibna ka duubay muuqaal.

Arrintan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa timid, kadib markii ay koox haween ah ku goobteen wiilka, waxayna soo duubeen iyaga oo si xun u garaacaya.

Haweenka ayaa adeegsanayay ulo iyo mindi ay ku cabsi gelinayeen wiilka oo u muuqday in lagu ballamiyay guriga, isla markaana ay sidaas ugu soo weerareen kooxda haweenka ah.

Booliska ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan haweenkii ka dambeeyay falkaasi, ayna ku hayaan baaritaano dheeraaad ah.

Arintaan haweenkaan ay ku kaceen ayaa Daba socoto Dhacdooyin lamid ah oo kasii Horeeyay Kuwaas Oo Booliska Soomaaliya ay ka Jawaabeen Gacanta Kusoo dhigeen Haweenkii Ka danbeeyay falkaasi.