Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shir Caalami ah waxaa uu uga qeyb galay dalka Mareykanka.
Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed loo aqoonsaday midka ugu wanaagsan Qaaradda Afrika.
“Guddiga ugu sarreeya ee Maamula Ciidanka Booliska Aduunka oo lagu Magacaabo “Pearls”, ayaa shir ay isugu yimaadeen oo aan ka qeyb galay waxay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u aqoonsadeen inuu yahay Booliska ugu wanaagsan Afrika, markii laga fiiriyey dhinacyo badan” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay noqotay dalka kaliya ee ka socda Afrika ee shirkaasi ka qeyb galay.
“Shirkaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa Soomaaliya waxay noqotay Dawladda Kaliya oo Afrika kamid ah oo shirkaasi ka qeyb gashay” ayuu yiri Markale taliye Bashiir.