Booliska Soomaaliya oo Raadinaya Hooyo iyo Caruurteed Dilka Gaystay Muqdisho.

Taliska qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir oo goordhaw soo saaray warsaxaafadeed ayaa sheegay in ay baadigoobayaan eedaysanaal ku eedaysan dilka Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo maalinimadii shalay Muqdisho lagu dilay, xilli dilkiisa loo adeegsaday Toorey.

Waka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dilkaan ay geysteen Ruqiya iyo labadeeda Wiil, iyaga oo ku eedaysan dilka Adeerkood oo ah Ninka qabay Hooyadood.

Dhacdadaan ayaa maalnimadii shalay waxa ay ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxa ay dhacdadaan ku soo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan falalka dilka ee ka dhex dhaca Qosyska.

Maalintii Khamiista ayaa sidaan oo kale laamaha Ammaanka waxa ay soo gabteen haweenay ku eedaysan in ay ceeji ku dishay Ninkeeda oo ka mid ahaa Askartii lagu soo tababar dalka Eretria kuwaas oo dalka dib ugu soo laabtay sanadkii hore.