Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Generaal Asad Cabdullahi Diyaano ayaa Isbitaalka Ku booqdey Askari katirsanaa ilaalida Xarunta Baarlaamanka Soomaaliya oo maanta Mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka uu u gacan qaaday.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa Bogaadiyay dulqaadka Iyo Is Xakamaynta Uu Sameeyay Isagoo ah Gacmihii Sharci ah inuu Tilaabo qaldan Ku dhaqaaqo.
Sido kale War kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inuu Gudiga Anshaxa Golaha Shacabka loo Gudbin doono Arintaan.