Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray shaqsiyaad loo qabtay dilal ka dhacay muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ka warbixiyey dadka loo soo qabtay dilkii ganacsade Abuukar Axmed Kaabax, kadib mowjado hadal-heyn ah oo saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada qabsaday, kadib markii kiiskaas laga reebay warbixintii toddobaadlaha aheyd ee Booliska.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Korneyl Qaasin Axmed Rooble oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in 7-qof loo soo qabtay dilkii ganacsade Abuukar oo laga afduubtay xili habeen ah degmada Heliwaa, kadibna meydkiisa laga helay degaanka Garasbaaley.

Wuxuu xaqiijiyey in dadkaasi kala yihiin taliyihii booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye, afar askari oo ilaaladiisa ah iyo labo qof oo shacab ah, kuwaas oo toos loola xiriirinayo kiiskaas dilka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in raggaas la horgey doono maxkamad, markii ay soo dhamaadaan baaritaanada ku socda, isagoo hoosta ka xariiqay in boolisku kiiskaas dabagalkiisa ay awoodda isugu geeyey.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka warbixiyey sababta warbixinta booliska Khamiistii looga reebay faahfahinta kiiska ganacsade Abuukar Kaabax, wuxuuna sheegay in warbixintii Khamiistii hore ay ku jirtay warbixinta kiiskaas, balse aysan jirin u jeedo kale oo boolisku lahaa kiiskaas.