Safar uu hoggaaminayey Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa si rasmi ah u booqday Degmada Caabudwaaq, iyada oo ay ku wehelinayeen Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada, sida Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-Heshiisiinta, Mudane Abdi Waayeel, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Mudane Abdinasir Osman, Wasiirka Waxbarashada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka sare ee Galmudug.
Booqashadan ayaa ahayd mid muhiim ah oo diiradda lagu saarayay qiimeynta xaaladda guud ee degmada, iyadoo ujeedadu ahayd in si dhow loola wadaago bulshada deegaanka qorshayaasha dowladda ee la xiriira amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta hay’adaha garsoorka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaatay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada, iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka ah. Waxay dhageysteen aragtiyaha iyo talooyinka bulshada, iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan, si loo qaabeeyo qorshayaal wax ku ool ah oo wax looga qaban karo.
Wasiiru Dowlaha Caddaaladda, Mudane Abdinasir Osman, ayaa kulankaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay muhiimadda uu leeyahay nidaam garsoor oo caddaalad ku dhisan, wuxuuna xusay in Wasaaradda ay ka go’an tahay dhisidda hay’ado awood u leh inay xal u helaan khilaafaadka bulshada, kana shaqeeya sugidda xuquuqda muwaadiniinta.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Abdi Waayeel, ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo wadajirka bulshada iyo dib-u-heshiisiinta, isagoo carabka ku adkeeyay in nabadda iyo wada noolaanshuhu ay sal u yihiin dhammaan qorsheyaasha horumarineed ee Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa isna sheegay in safarkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ogaanayo xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada Galmudug, si maamulka sare uu go’aan uga gaaro wax ka qabashada baahiyaha taagan. Wuxuu tilmaamay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay xoojiso xiriirka degmada Caabudwaaq iyo xarumaha kale ee maamulka si adeegyada dowladnimo loo gaarsiiyo heer loo siman yahay.
Safarkan ayaa kusoo aaday xili muhiim ah oo dhiirrigelinaya kalsoonida shacabka iyo dowladda, isla markaana kobcinaya isdhexgalka bulshada iyo maamulka. Wafdiga ayaa ballan qaaday in booqashooyinka noocan oo kale ah ay sii socon doonaan si loo helo xalal waara oo la jaan qaadaya duruufaha deegaanka.