Boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta isugu soo baxay dibad-bax ballaaran oo ka dhacay qeybo ka mid ah dalka, kaas oo si weyn loogu muujinayay dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubyo ay YH ku hayso midnimada, madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo muujinaya midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo diidmada faragelin kasta oo shisheeye, iyagoo si cad u cambaareeyay tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo lid ku ah qaranimada dalka. Masuuliyiinta ka qayb-galay dibad-baxa ayaa hadallo ay jeediyeen ku adkeeyay in midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya ay yihiin arrimo aan gorgortan geli karin.
Sidoo kale, shacabka ka qeyb-galay mudaaharaadka ayaa ku baaqay in beesha caalamka ay ixtiraamto madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay joojiyaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa wadajirka iyo xasilloonida dalka. Dibad-baxa ayaa ku soo dhammaaday si nabad ah, iyadoo la adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay mar walba u midoobi doonaan difaaca qarannimadooda iyo danahooda guud.