Britain Oo dooratay Ra’iisul Wasaare Cusub

Boris Johnson ayaa waxaa loo doortay in uu noqdo hogaamiyaha xisbiga conservative ahna Ra’iiusl wasaaraha Dalka Britain,kadib doorasho ka dhacday dalkaasi.

Wuxuu kaga guuleystay qofkii la tartamayay ee ahaa Jeremy Hunt,wuxuu heley Mr Johnson 92,153 cod halka Mr Jeremy uu heley 46,656,taasi oo ka dhigan in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska,kaasi oo bedeli doona Miss thresa May.

Boris Johnson wuxuu soo qabtay xilal kala duwan sida duqa Magaalada London,wasiirka arrimaha dibadda ee Britain,wuxuu ugu horeyn ammaanay dowrkii ay qaadatay Threresa may intii ay xilkaasi haysay.

Dhankeeda Theresa May ayaa ugu hambalyaysay Johnson xilkaasi uu ku guuleystay, iyadoo muujisay muhiimada ay leedahay in lala shaqeeyo.

Wax yaabaha ugu waaweyn ee horyaala waxaa kamid ah dhismaha xukuumada cusub iyo in uu wajoho dhibaatooyinka siyaasadeed iyo midda dhaqaale,gaar ahaan ka bixitaanka Biritain ay ka baxayso Midowga Yurub.