Britain Oo Ka Hadashay Go’aanka QM Ee Dib Loogu Dhigay Bixitaanka Ciiddanka AMISOM.

Danjiraha UK  u joogta QM, Ambassador Karen Peerce ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin Go’aankii ay Golaha Ammaanka ee QM xalay ku gaareen Xilli-u-kordhinta Hawlgalka AMISOM iyo in dib loo dhigo in Ciiddanka AMISOM ka wada huleelaan gudaha Somalia.

Ambassador Karen Peerce oo dalkeeda ku lug lahaa Qaraarka Golaha Ammanka waxay xustay inuu Go’aankaasi oggolaanayo in dib loo dhigo Xilliga Kala-guurka ee Hawlgalka AMISOM si waqti munaasab ah loo siiyo inta ay Ciiddanka Somalia ka awoodi karaan inay la wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Waxay intaasi ku dartay in Dib-u-dhigistaasi ay Ciiddanka AMISOM u oggolaanayso inay ugu diyaar garoobaan Xilliga  saxda ah oo ay kaga bixi doonaan Somalia, waxayna rajo xooggaan ka muujisay inay AMISOM sii wadi doonaan Hawlgalka lagu soo celinayo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay xilli-kordhin u sameeyeen Hawlgalka AMISOM oo la gaarsiiyey ilaa bisha May 31-da ere sannadka soo socda iyo in la dhimo Tirada Ciiddanka AMISOM, lana gaarsiiyo 20,626 Askari marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadka soo socda ee 2019-ka.