Britain oo taageertay Shirkii uu ku baaqay RW Rooble

Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa taageertay shirkii uuu ku naaqay RW Rooble, kaddib qoraal rasmi ah oo barteeda twitter-ka ay ku faafisay.

Safiirka Britain u fadhida Soomaaliya, Kate Foster. Waxay sheegtay in shirkan muhiimka ah uu yahay halka lagu xallin karo cabashooyinka iyo arrimaha jira.

Haddaladaan waxay ka danbeeyeen, kaddib marki ay saacadihi lasoo dhaafay hadallo kul-kulul is-weydaarsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble, kuwaas oo wali isku khilaafsan arrimaha doorashada.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa dhawaan ku baaqay in 27-ka Bishan December oo ku beegan berri ay madaxda madasha wada-tashiga qaran isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo dardargelinta doorashooyinka. Laakin, Madaxweyne Farmajo ayaa xalay isna dhankiisa uga dhawaaqay shir kaasi ka duwan.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in ra’isulwasaaraha uu gabay howlihi loo igmaday ee socodsiinta hannaanka doorashada. Ra’isulwasaare Rooble ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan u joojineyn howlaha qaran, war kasoo baxay musharrax ka mid ah musharraxiinta u taagan doorashada.