Bulshada Gaalkacyo Oo Soo dhoweeyay Gudiga dib uheshiisiina Kulamada Ay Kawadan Gaalkacyo

Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa si ballaaran u soo dhaweeyey xubnaha ka socda Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta oo bulshada Gaalkacyo uga mahad celiyey soo dhaweynta iyo marti-gelinta heerkoodu sarreeyo ayaa u bandhigay qorshaha iyo Casuumaadda shir-weynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ee gogoshiisu taallo Caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhusamareeb.

Bulshada ayaa kulanka ay guddiga la yeesheen kadib, waxa ay ballan qaadeen in ay ka qeyb gelayaan shir-waynaha dib-u-heshiisiinta, Guddigana ay kala shaqeynayaan taabba gelinta shirka loogu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaalkooda horay ugu soo maray Xeraale Huurshe, Balanbal iyo Caabuud-waaq, dhammaan deegaannadii ay tageenna waxa ay la wadaageen qorshaha ay wadaan, waxaana qorshohoodu yahay in ay maraan dhammaan deegaannada Galmudug si ay bulshada ula wadaagaan casuumaadda gogosha dib-u-heshiisiineed.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnoon ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019.