adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed, dhismaha dowladnimada casriga ah, iyo horumarrada muuqda ee laga gaaray dhinacyada amniga, maamul wanaagga, iyo doorashooyinka dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhammaystirka nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay si xor iyo xalaal ah ugu doortaan hoggaankooda, taas oo saldhig u noqon karta dowladnimo xooggan iyo mustaqbal siyaasadeed oo deggan.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarro wax ku ool ah laga sameeyey sugidda amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, iyo xoojinta wada shaqeynta dowladda iyo bulshada rayidka ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in bulshada rayidka ahi ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda shacabka, iyo taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa ka qeybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda iyo dowladnimada, iyadoo la dardargelinayo hirgelinta doorashooyin dadweyne oo ku saleysan nidaamka qof iyo cod.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambeyn bogaadiyey doorka bulshada rayidka ah ee ku aaddan nabadeynta, horumarinta bulshada, iyo taageerada ay siiyaan dowladda, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo wada shaqeynta si Soomaaliya ay u gaarto xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.