Bulshada Soomaaliyeed oo la Tacaaleysa Masiibooyinka Dabiiciga ah: Ma Ku Filan Tahay Wacyigelinta SODMA?

Muddooyinkii dambe, bulshada Soomaaliyeed waxa ay wajahaysay abaaro iyo fatahaado isdaba joog ah — kuwaas oo si weyn loola xiriirinayo isbeddelka cimilada. Masiibooyinkan dabiiciga ah ayaa si joogto ah uga dhacaya qaybo badan oo ka mid ah dalka, waxaana taasi keentay in loo baahdo wacyigelin rasmi ah oo ka timaadda hay’adaha la tacaala xaaladaha degdegga ah, sida Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA).

Haddaba, su’aasha la is waydiinayo ayaa ah: Bulshada ma ku baraarugsan tahay digniinaha iyo fariimaha wacyigelineed ee ay dirto SODMA? Haddii ay maqlaan fariimahaasi, ma qaataan si dhab ah oo ficil leh?

Si aan arrintan wax uga ogaano, waxa aanu la hadalnay qaybo ka mid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Xaliimo Maxamuud Axmed, oo ka mid ah ganacsatada iibisa dhuxusha, ayaa sheegtay in ay mararka qaar maqasho digniinaha, balse aysan si dhab ah u fahmin:

“Waxaan aaminsanahay in waxa dhacayaa ay yihiin kuwa uu Allah keeno. Mararka qaar fariimaha la soo diraa way run noqon karaan, balse annaga dadka waaweyn ma naqaano sida loo isticmaalo Facebook iyo baraha kale. Carruurtayda ayaan dhahaa ‘ii fiiriya waxa la sheegay’, waayo anigu wax ma akhriyo.”

Dhinaca kale, Axmed Cabsiiye, oo ka mid ah dhallinyarada u ololeeya arrimaha deegaanka, ayaa tilmaamay in wacyigelinta hadda jirta aysan gaarin dhammaan bulshada gaar ahaan reer miyiga:

“Ha’ayaddu fariimaha bulshada uma gaarsiiso sidii la rabay, inkasta oo ay hadda si fiican u isticmaalayaan baraha bulshada sida Facebook. Muuqaallo ayey dubaan, warbaahinta kala duwan ayey casuumaan, TV-yadana waa lagu baahiyaa. Laakiin su’aashu waxay tahay: dadka reer miyiga ma gaartaa fariimahaas?”

Si loo fahmo habka ay SODMA u gudbiso digniinaha iyo wacyigelinta, waxaan sidoo kale la hadalnay Cabdiqaadir Cumar Xuseen, ku simaha Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha ee hay’adda.

“Inta badan waxaan samaynaa wacyigelin ku saabsan khataraha soo socda, sida duufaanta. Marka duufaan ay soo abuuranto, waxaan fiirinaa jihada ay ku socoto si aan bulshada u gaarsiino digniinta. Fariimaha waxaan u marin warbaahinta iyo baraha bulshada si dadku u helaan fursad ay uga hortagaan khatarta.”

Gunaanad:
Inkasta oo SODMA dadaal xooggan ku bixinayso wacyigelinta, haddana waxaa muuqata in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in fariimaha la gaarsiiyo qaybaha bulshada ee aan helin internet ama telefishan, gaar ahaan dadka ku nool miyiga. Tani waxay dalbaneysaa istaraatijiyad ballaaran oo la gaarsiinayo dhammaan gobollada dalka si looga hortago khasaaraha ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah.

Wariye: Shukri Mohamed Abdi
Warbaahinta: Bilan Media