Burbur Weli kamuuqda Xarumaha Wasaaradaha Amniga iyo arrimaha gudaha kadib weerar kii Al-Shabaab

Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa wali  waxaa ka muuqda Burbur kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen  7 Bishii July.

Xarumaha Wasaaraddaha ayaa hadda waxaa ka socon wax shaqo ah sidda ay sheegeen qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaraddaha.

Goobtii qaraxyo dhaceen ayaa wali dayactir lagu bilaabin, waxaana ka muuqda Burbur xooggan.

in ka badan 30 Cisho ayaa laga jooggaa Markii uu weerarkaasi dhacay, waxaana ilaa iyo hadda dadweynaha ay isweydiinayaan sababta dayactir loogu bilaabi la’yahay Maadaama ay muhiim u yihiin shaqadda Qaranka.

Xarunta Ote Ote ee Wasaaradahan ay degan yihiin, sidoo kale waxaa ku yaalay talis ay leeyihiin ciidanka Booliska, kaasi oo loo adeegsan jiray Isgaarsiinta.

Marka sheeda sare laga eego dhismaha Xarumahan, waxaa muuqanaya bur burkii ka dhashay qaraxyada, sidoo kale wali waxaa dhex yaalla xarunta dhexdeeda, gaadiid bur bursan oo ku dhex bur buray qaraxii lagu weeraray, iyadoo mid ka mid ah albaabada Wasaaraddahana uu bur bursan yahay, maadaama qaraxa gaariga uu halkaasi gaaray.

Ma cadda sababta illaa hadda madaxda Wasaaradahan ay isugu mashquulin waayeen dhismaha xarumahan, maadaama labada Wasaaradood ee amniga iyo arrimaha gudaha ay yihiin kuwa aanan laga maarmin, marka loo eego shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha qaarkood, ayaa waxa ay inoo sheegeen inaysan shaqeyn, balse uu jiray qorshe ah inay ku shaqeeyaan Hotelo, taasi xittaa ay suurageli wayday, sababo ku aadan dhanka ammaanka, kadib isbuuc lagu shaqeeyay Hotel Magaalada ku yaalla, kadibna ay sii socon wayday arrintaasi.