Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab Shidaal oo Marayay Xeebaha Yemen.

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab shidaal sida oo marayay xeebaha Yemen, sida ay sheegeen ilo amni oo ka tirsan Soomaaliya.

Markabka oo lagu magacaabo MT Eureka ayaa la sheegay in lagu qabsaday Gacanka Cadmeed, meel u dhow dekedda Qana, xilli uu ku sii jeeday dhanka Soomaaliya. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in burcaddu ay markabka la wareegeen aroortii hore, qiyaastii 5:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in burcad-badeeddu ay ka soo ambabaxeen deegaan xeebeed u dhow magaalada Qandala, oo ku taalla waqooyiga bari ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in markabku hadda ku sii jeedo dhinaca xeebaha Soomaaliya, halkaas oo la filayo inuu ku xirto saacadaha soo socda.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee noocan ah muddo 10 maalmood gudahood, kadib markii markab kale oo lagu magacaabo Honor 25 la afduubtay 22-kii April.

Dhanka kale, warar kale oo amni ayaa sheegaya in dad hubeysan oo saarnaa doon yar ay isku dayeen inay u dhowaadaan markab xamuul qaada oo marayay meel u dhow Al-Mukala, Yemen. Dableydaas ayaa la sheegay inay ka soo baxeen deegaan xeebeed u dhow tuulada kalluumeysiga ee Caluula.

Labadan dhacdo ayaa muujinaya in burcad-badeednimada ay markale kusii fidayso xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo dhererkoodu gaarayo in ka badan 3,300 km, taasoo ka dhigaysa xeebta ugu dheer Afrika.

Afduubkan ugu dambeeyay ayaa noqonaya kii afraad ee ay burcad-badeeddu ku guuleystaan muddo laba toddobaad gudahood.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo hoos u dhacday tan iyo sanadkii 2011, ayaa dib u soo laba kacleysay tan iyo dabayaaqadii 2023. Arrintan ayaa lala xiriirinayaa isbeddelka amniga badda, gaar ahaan kadib markii ciidamada caalamiga ah ay diiradda saareen khataro kale oo ka jira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo ciidamada badda ee caalamiga ah weli kama aysan hadlin dhacdadan ugu dambeysay.