Buundooyin Ku Bur Burey Fatahaaddii Webiga Jubba oo dhismo lagu bilaabay

Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland , Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa Maanta kormeer ku tagey Buundada Baar-Sanguuni oo uu dayactir ku samaynayo maamulka Jubbaland.

Buundadan oo bur-bur xooggan uu kasoo gaaray fatahaaddii Webiga Jubba uu dhawaan sameyay ayaa Bulshada Gobolka Jubbada hoose u ah muhiim iyo marin aan laga maarmi karin.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inay Buundadu ka mid tahay marinnada isku xira degaannada Gobolka iyo kuwa ka baxsan, sidaa awgeedna ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso.