Cabdi Maxamuud Cumar Oo Markale Maanta Maxkamad Ka Soo Muuqday

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maanta markale waxa ay Maxkamadeyntiisa ka bilaabatay Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu eedeeyey falal ay ka mid yihiin dil, dhac,hanti lunsasho, asaasida ururo dhib geystay iyo baalmarida Dastuurka Itoobiya ayaa kas oo muuqday Maxkamadda 19aad ee Federaalka Itoobiya, saldhigeeduna yahay magaaladda Addis Ababa.

Lama oga xilliga Maxkamada ay kiiskiisa go’aan rasmiha ah ka soo saareysa balse dhawaan ayaa waxa uu cod su diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaas oo ah in uu cafiyo.