Cabdi Xaashi oo Kahadlay Guulaha la Gaaray Sanadkaan Dhamaadka ah…

  • Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in sanadka dhammaadka ah ee maalmaha kooban ka dhiman yihiin ee 2023 uu xusuus wanaagsan ku yeeshay Soomaaliya.

    Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in marka laga eego dhinacyada Siyaasadda, Amniga & Dhaqaale oo ah meelaha ugu badan ee laga dhaqdhaqaaqo in Soomaaliya sanadkaan ay ka gaartay guullo muhiim ah oo muddo loosoo halgamay.

    Xaqiijinta iyo adkaynta guulahaas ayuu dalbaday in loo baahan yahay in guud ahaan mas’uuliyad gaar ah la iska saaro maadaama Dayntii la cafiyay, Cunaqabatayntii Hubka la qaaday isla markaana Soomaaliya xubin ka noqotay Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

    Soomaaliya ayaa Deseembar 2023 waxa ay hatanatay guullo muhiim ah oo sanado soo socday kaddib markii ay ku biirtay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxaa xigay in Cunaqabatayntii hubka laga qaaday & Dayntii oo ugu dambeyn laga cafiyay.