Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Hambalyo u Diray Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug

Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa hambalyo u diray Liibaan Axmed Xasan, oo maanta loo doortay Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, kaddib doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay Liibaan Axmed Xasan, isla markaana ay horay u soo wada shaqeeyeen, taas oo u sahashay inuu si dhow u ogaado kartidiisa, waayo-aragnimadiisa iyo aqoonta uu u leeyahay bulshada iyo deegaanada Galmudug.

Madaxweynihii hore ayaa hoggaamiyaha cusub ku tilmaamay masuul leh karti iyo waayo-aragnimo, isla markaana si wanaagsan u fahamsan duruufaha, baahiyaha iyo xaaladaha bulshada Galmudug. Waxa uu muujiyay rajada laga qabo in Liibaan Axmed Xasan uu si hufan u guto mas’uuliyadda loo igmaday, kana shaqeeyo horumarinta maamulka iyo danaha shacabka.

Sidoo kale, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa baaq u diray waxgaradka, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta Galmudug, kuwa muxaafidka ah iyo kuwa mucaaradka ahba, isaga oo ugu baaqay inay si niyad-sami leh u soo dhaweeyaan hoggaamiyaha cusub, isla markaana ay garab istaagaan dadaallada uu ku doonayo inuu ku guto waajibaadkiisa.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo wada-shaqeyn iyo isku duubni siyaasadeed, si hoggaanka cusub loogu fududeeyo gudashada mas’uuliyadda hortaalla, loona xoojiyo nabadda, midnimada, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka Galmudug.

Doorashada Liibaan Axmed Xasan ayaa dhalisay farriimo hambalyo ah oo ay soo dirayaan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo ka soo shaqeeyay hoggaanka Galmudug, kuwaas oo muujinaya taageeradooda ku aaddan hoggaanka cusub iyo rajada laga qabo mustaqbalka maamulka.