Cabdiraxnaan Cabdishakuur oo sheegay in Itoobiya ay ku gacansiinayso Muuse Biixi dib u doorashadiisa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadin u jeediyey guddiga doorashooyinka Somaliland, kaas  oo go’aamiyey doorashada maamulkaas, oo la filayo in ay dhacdo bisha 11-aad ee sanadkaan aan ku guda jirno.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Mr. Warsame ku yiri, “Waxaa bogaadin mudan guddiga doorashooyinka Somaliland ee ugu danbayn go’aamiyey in bisha November ee sanadka la qabto doorashooyinkii madaxtinimada maamulkaas.”

In Warsame ayaa qoraalkiisa ku xusay in xilligaan ay muhiim tahay doorashada, isaga oo sheegay in ay ku soo aadayso ka dib muddo kororsi laba sano ah uu sameystay hoggaamiyaha Hargeysa Bixi. “Sida la wada ogsoonyahay doorashadani waxay ku timid halgan iyo loollan adag, iyada uu labo sano oo muddo xileedkiisa ka dheeri ah Muuse Biixi kursiga ku mitidayey. Waxaa u rajaynaynaa in ay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa baqdin ka muujiyey doorashadaan, isaga oo sheegay in Itoobiya isku deyi doonta xeelado taban iyo faragelin gurracan, oo uu ku sheegay in ay ku gacansiinayso dib u soo laabashada Muuse Biixi.

Ugu dambeyn Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadda ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq u diray Xisbiyada mucaaradka iyo Ururada siyaasadda ee Somaliland, isaga oo yiri, “Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad , dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.”

Warka ka soo yeeray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aadaya tallaabadii ay qaaday dowladda Itoobiya billowgii sanadkaan, ka dib markii magaalada Addis Ababa ay heshiis is afgarad ah kuwada saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi.

Hoggaamiyaha Hargeysa ee Siyaasadda ka soo galay dhanka ciidanka Muuse Bixi ayaa xilligaan wajahaya doorasho ka adag tii 2017-kii, isaga oo xilka kala wareegay saaxiibkiisa ay Xisbi wadaag ahaayeen Axmed Siinlaayo.

Doorashadaan waxa uu markale wajihi doonaa lafdhabarta mucaaradka, Hoggaamiyaasha xisbiyada Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo Ucid Faysal Cali Waraabe oo wali baadi goob ugu jira sidii ay mar qura u hanan lahaayeen kursiga ugu sarreeya Somaliland.