Cabdixakiin Cigaal oo maanta Lagu toogtay caabudwaaq.

Maxkamada gobalka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Cabdikariin Bulxan oo sidoo kale ahaa Samafale ayaa waxa uu ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka.

Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa waxa uu laba maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bulxan.

Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego markaasi, maadaama uu isagu kahor qirtay maxkamadda.

Kiiskaan ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, ayada oo dadka aad uga yaabisay dhiiranaanta ninka dilka geystay oo maxkamadda ka codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta.