Cabsi laga qabo fatahad uu Sameeyo Webiga shabeelle

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa xilligaan ka taagan cabsi ku aadan in uu fatahaad sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara qeybo badan oo kamid ah Gobolkaas.

Meelaha ugu daran ee cabsida ay ka jirto ayaa waxaa kamid ah Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle,waxaana socda qorshooyin looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeelle uu sameeyo

Tuulooyin dhanka Bari ka xiga Magaalada Jowhar ayaa waxaa la sheegay inay ka jirto cabsida ugu daran,isla markaana badi dadkii deganaa Jiinka Wabiga ay ka barakaceen.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Cali Xaaji Cabdulle ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle inay u istaagaan sidii looga hortegi lahaa fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in cabsi la mid ah tan ka taagan Magaalada Jowhar ay ka jirto Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraa ,isla markaana meelaha qaar uu Wabiga karkaarada jabsaday.