Cabsi soo food saartay Somalida Swizerland

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Swizerland ayaa waxaa soo foodsaartay cabsi xoogan oo ay ka qabaan in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo ka dib markii dowladda Swizerland ay shaaciyeen in ay dib u eegis ku sameyn doonaan soo gelooti badan haba ugu badnaadaan Soomaalida iyo Ereterianka.

Saraakiil u hadlay laanta socdaalka ee Dalkaasi ayaa warbaahinta la wadaagay in ay dib u eegis ku sameyn doonaan kiisaska 3000 oo soo gelooti ah ka dibna ay ka fikiri doonaan waxa ay ka yeeli lahaayeen iyagoo carabka ku adkeeyay in ay dib u celin doonaan qaxootiga aanan mudneen in dhalasho la siiyo.

Waxa ay sheegeen in ugu horeyn 20 ruux oo Ereterian ah ay dalkooda dib ugu celin doonaan madaama sida ay sheegeen dalkooda hooyo uusan ka jirin cabsi saas u weyn oo amni waxa ayna sheegeen in Geeska Afrka ay iminka kasoo reyneyso sidii ay aheyd.

Hadalkaas ay sheegeen Saraakiisha laanta socdaalka Dalka Swizerland ayaa durbadiiba waxaa walaac ka muujiyay Soomaalida markoodii hore dalkaasi u raadsaday nolol dhaanta mida Soomaaliya ay kaga carareyn.

Inkastoo Dowladda Swizerland saraakiisha u hadlay aynan si gaar ah u sheegin in kaliya Soomaalida ay bartilmaameedsanaayaan ayaa hadana dadka soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool waxa ay fahansanyihiin in dowladda ay soo saari karto amar ah in Soomaalida dalkaasi qaxootiga ku ah lagu celiyo aagaga nabada ah ee Soomaaliya.