Cali Gacal Casir Oo Sheegay in Doorashada Galmudug Ay Waqtigii loogu talagay Ku dheceyso

Maalma ka hor Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir waxaa ay siwadajir ah u sheegeen in aysan dhici doonin wax doorasho ah ilaa ay ka dhamaato xilheynta Madaxweyne xaaf,laga soo bilaabo heshiiskii Jabuuti,waxaana hadalkaas si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Galmudug la dhisay, kadib markii wadatashi yo dadaal badan la sameeyey,sidoo kalena uu leeyahay dastuur,isla markaana 12 Qabiil in ka badan oo reer Galmudug ah ay maamulkaas yagleeleen.

Waxa uu sheegay in Galmudugta saxda ah ay tahay tii la dhisay Bishii Juun ee la soo xulay Baarlamaanka Maamulkaas,sidoo kalena Dastuurka Galmudug aan waxba lag bedeli karin,waxaana uu sheegay in dhawaan bilaaban doonaan soo xulista Xubnaha Baarlamaanka lana dooran doono Madaxweyne sax ah.

Madaxda Galmudug ee ku sugan dhuusamareeb ayuu u sheegay in Dastuurka Galmudug aan waxba laga bedelin,sidoo kalena Xildhibaanada Galmudug ay yihiin 89 Xubnood,Xarunta Baarlamaanka Galmudugna ay tahay Magalada Cadaado cid waxka bedeli kartana aysan jirin.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sii xoogeystay,kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado,iyaga oo kala leh laba madaxweyne iyo laba guddoomiye Baarlamaan.