Cali Guudlaawe oo shir deg deg iskugu yeeray baarlamaanka hirshabeeele.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay guddoomiyay shir deg-deg ah oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada maamulkaas ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shirkan oo ah mid gaar ah ayaa waxaa isugu yimid xubnaha golaha wasiirada maamulka HirShabelle, waxaana sidoo kale ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Ugu horreyn waxaa shirka warbixin guud looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka HirShabelle, taas  oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

Dhankiisa Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan roobabka Gu’ga inay uga sii daraan xaaladaha ka jira deegaanada HirShabelle, loona baahan yahay ka hortag.

Biya xireenka Sabuun oo uu burbur xoogleh ka muuqdo ayaa Sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ah, kaas oo xusid mudan tahay in wali ka muuqdaan sameentii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.