Cali Guudlaawe oo Shir-gudoomiyay shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka arrimaha Bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Shir-gudoomiyay shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka arrimaha Bulshada.

Kulankaan ayaa warbixino looga dhageysay Wasaaradda Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biyaha iyo Tamarta oo ku mideysan Gudi Hoosaadka Golaha ee Tiirka Arrimaha Bulshada.

Kulankaan ayaa looga hadlay xoojijta wadashaqeynta Wasaaradaha Dowladda iyo Hay’adaha deeq-bixiyaasha loona fuliyo mashaaricda horumarinta ee muhiimka ah u ah Bulshada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada Golaha Wasiiradda iyo Howlwadeennada Madaxtooyda ee Tiirka arrimaha bulshada oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaasi.