Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa Sheegay in xanibaad xoogan ay saarneyd boostada Somalia taasi oo uu sheegay inay keentay in aysan Shaqeynin boostada .
Wasiir Canshuur ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in diwladda Soomaaliya ay ka warheyso inay Shacabka dhibaato ku qabaan maqnaanshahya boostada,hayeeshee ugu dambeyn lagu guuleystay in cunaqabateyntii Boostada Soomaaliya hadda laga qaaday.
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaariinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa dhibaatooyinka ka jira Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada, kuwaasi oo aan la dhacsaneyn dowladda Soomaaliya, balse marnaba aan la ogolaan doonin in Baraha Bulshada laga abaabulo banaanbaxyo ka dhan ah dowlada Soomaaliya.
Hay’adaha Amniga ayuu ka dalbaday inay ilgaar ah ku hayaan dadka wararka kicinta ah ku qora Baraha bulshada ay wada isticmaasho si tallaabo sharci ah looga qaado.