Carlos Tevez Oo Ku Dhaawacmay Kulan Uu La Ciyaaray Maxaabiista Xilli Uu Xabsi Ku Yaala Cordoba Ku Booqday Walaalkiis.

Weeraryahanka Boca Junior Carlos Tevez ayaa ka yaabiyay kooxdiisa kadib markii uu tababarka kusoo laabtay isagoo qaba dhaawac dhanka canqawga ah xilli fasax loo siiyay inuu xabsiga kusoo booqdo walaalkiis.

Weeraryahankii hore kooxo badan oo qaaradda yurub ah Tevez ayaa aaday magaalada Cordoba si uu halkaas ugu soo booqdo walaalkiis Juan Alberto Martinez kaas oo aysan ka mideysneyn labada waalid.

Sida laga soo xigtay wargeyska Clarin Sports, Carlos Tevez wuxuu ogolaaday inuu la ciyaaro maxaabiista kulan kubadda cagta isagoo aan wadan agabkiisa kubadda cagta ee ugu yaraan ka difaaci lahaa in la dhibaateeyo.

 

Talaadadii ay aheyd sida warbixinta lagu sheegay marka uu falkaan sameeyay, waxeyna dhibaato kasoo gaartay sidoo kale muruqa, si kastaba kooxdiisa ayuu layaab u aragtay inuu xidigeeda ogolaaday ciyaar kubadda cagta ah isagoon difaac wadan.

Sanadkii 2010 ayey aheyd markii la xiray walaalka Tevez, waxaana lagu xukumay xabsi 16-sanadood ah kadib markii lagu weeraray gawaarida gaashaaman ee ciidamada xilli uu ku jiray fal burcadnimo ah.