Carwada buugaagta oo maanta laga furay Puntland

Bandhigga Carwadda buugaagta ayaa maanta laga furay magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa daah furay munaasabadda lagu soo bandhigayay buugaagta, waxaana uu sheegay in Puntland ay fursad u tahay in ay maanta yimaadaan dad badan oo qorayaal ah.

Goobta waxaa sidoo kale soo gaaray xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Wasiiro iyo Madax kala duwan oo horay Soomaaliya u soo maray

Waa sannadkii afaraad ee la qabto carwada buugaagta ee Puntland Soomaaliya.