Chelsea Oo Eeganeysa Sarri, Mourinho Oo Diiday De Gea & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah.

Arsene Wenger ayaa helaya dalabaad kaga imaanaya horyaalka Chinese Super League taasoo ka dhigi karta macalinka ugu mushaarka badan dunida. (Mirror)

Sidoo kale Arsene Wenger ayaa dalab ka helay Paris Saint Germain iyadoo dooneysa inuu noqdo agaasimaha ugu sareeya kooxda. (Le10Sport)

Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in goolhayaha reer Spain David de Gea oo 27-jir ah uusan xagaaga soo aadan ka bixi doonin Old Trafford isagoo sii galaya sanadkiisii ugu dambeeyay qandaraaskiisa kooxa. (Manchester Evening News)

 Antoine Griezmann oo 27-jir ah ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadalo kula jiro kooxdiisa xilli lala xiririinayo Man United & Barcelona. (The Sun)

Antonio Conte ayaa laga yaabaa inuu waayo shaqada qaranka Italy hadii uu isaga tago Chelsea, xiriirka kubadda cagta talyaaniga ayaana awoodin iney la kulmaan rabitaanka 48-jirkaan. (Times)

Pep Guardiola ayaa ku adkeysanaya in Mikel Arteta uusan ka tagin xilli ninkaan aad loola xiriirinayo inuu dib ugu laabanayo Arenal. (Mirror)

Maurizio Sarri ayaa si weyn loola xiriirinaya kooxda Chelsea, waxaa jirta lacago lagu jabin karo heshiiskiisa oo dhan 7 Malyan oo Pound ka hor dhamaadka May. (London Evening News)