Chelsea & United Oo Isku Heysta Kurzawa, Neymar Oo Lagula Taliyay Madrid & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalada Yurub waxaa furmi doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, laakiin ka hor ayay kooxaha sii calaamadeysanayaan xiddigaha ay doonayaan inay adkeeyaan kooxahooda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

Waxaan saaka idiin soo koobnay wararkii ugu muhiimsanaa ee ay qoreen wargeysyada Ingariiska, sugnaanshaha wararkaan laacib.net mas’uul kama ahan waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.

 

Jose Mourinho ayaan lacago fara badan suuqa galin doonin xagaagan, kaliya wuxuu iska xoojin doonaa boosaska uu ka liito. (The Sun)

Tababaraha Hoffenheim Julian Nagelsmann ayaa hoos u dhigay wararka la xiriirinaya inuu imaanayo horyaalka Premier League si uu u qabto Arsenal ama Chelsea. (Star)

Halyeeygii hore Brazil Rivaldo ayaa kula taliyay Neymar Junior inuu ku biiro Real Madrid hadii uu donayo Ballon d’Or. (GloboEsporte)

Tababare Arsene Wenger ayaa difaacay daafaca Jarmalka ah Shkodran Mustafi isla markaana ka dhawaajiyay inuu wax badan kooxda joogi doono inkastoo uu dhaleeceyn badan helay. (Independent)

Kooxaha Chelsea & Spurs ayaa ku dagaalamaya daafaca bidix ee PSG Layvin Kurzawa kaas oo 25-jir ah, sidoo kale United ayaa xiiseyneysa. (Mirror)

Eusebio di Francesco ayaa sheegay inuusan wax sir ah u sheegin ciyaartoydiisa oo ku aadan sidii loo joojin ahaa Mohamed Salah. (Liverpool Echo)

Ronaldinho ayaa aaminsan in Paul Pogba uu ku guuleysan doono Ballon d’Or hadii xidiga reer France uu dareen siiyo macalinkiisa Jose Mourinho. (Canal Football Club)